Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Ciraaq iyo kuwa kale ee caalamka ayaa qoray in Hoggaamiyaha maleeshiyaadka Daacish, Ibrahim Awad Ibrahim al-Badri (Abu Bakar Albaqdaadi) uu amar ku siiyay dagaalyahaanada Kooxda inay gacanta kusoo dhigaan xaaskiisa oo baxsad ka ah.
Warbaahintu waxa ay qortay in Hogaamiyaha si lama filaan ah ay uga dhuumatay xaaskiisa xili uu ku howlanaa safaro uu kaga dhuumanaayay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Xaaska Albaqdaadi, ayaa waxaa lagu magacaabaa Diane Kruger oo kasoo jeedo dalka Jarmalka, waxa uuna maleeshiyaadkiisa faray inay gacanta kusoo dhigaan xaaskiisa baxsadka ah.
Diane Kruger ayaa waxa ay horay usii salfatay ilaa Afar Haween oo ka tirsanaa guuto khaas ah oo ay madax u tahay laguna magacaabo ”Kooxda Alkhansa”.
Warbaahintu waxa ay sidoo kale qortay in Albaqdaadi uu Haweeneyda lagu magacaabo Diane Kruger guursaday bishii October ee sannadkii hore.
Dhinaca kale, cabsiga ugu xoogan ayaa ah in Diane Kruger ay bixiso xogta Albaqdaadi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

