Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dowlada Kenya ay bahdil ku sameysay wafdiga uu la socday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa waxaa soo baxayay warbixino kala duwan oo ku aadan sababta ka dambeysa bahdilka ra’iisul wasaaraha lagu sameeyay.
Khuburo falanqeeya arrimaha siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya iney jiraan warbixino dheeri ah oo ku saabsan sababta Cumar C/rashiid Cali iyo wafdigii loogu celiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.
C/Wahaab Sheikh oo ah falanqeeye arimaha siyaasada bariga Africa ayaa wareysi uu siiyay telefishinka KTN ee dalka Kenya wuxuu sheegay in bahdilka lagu sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali uu isaga masuul ka ahaa.
C/wahaab, wuxuu sheegay in dowlada Kenya uu kusoo wargeliyay ra’iisul wasaaraha iney la socdaan sideed kamid ah wafdigiisa, balse markii garoonka diyaaradaha Nairobi ka dageen la ogaaday in ra’iisul wasaaraha la socdaan inka badan 20 xubnood.
Arintaasi ayuu sheegay iney shaki badan ku abuurtay dowlada Kenya taasi oo qasabtay in wafdiga ra’iisul wasaraaha lagu xayiro garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya.
Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa isaga oo ka hadlayay bahdilka lagu sameeyay wuxuu ku tilmaamay khalad weyn oo dowlada Kenya ay gashay ayna qaadan doonaan go’aan arintaasi la xiriira.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

