29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Tuuryare, Xaamud iyo Cabdi Risaaq oo la haysto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad sugida, Taliyaha booliska iyo wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya ayaa maanta laga filayaa iney hortagaan baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo looga weydiiyo arimaha amaanka.

Wasiirka amniga oo horey u hortagay baarlamaanka ayaa balanqaaday in saraakiisha ciidamada qaarkood uu horkeeni doono baarlamaanka Soomaaliya si ay su’aalo kaga weydiiyaan cidda amartay in baaritaan lagu sameeyo xildhibaanada baarlamaanka.

Taliyaha  Nabad sugida qaranka iyo taliyaha booliska Soomaaliyeed ayaa la filayaa iney hortagaan baarlamaanka, si wax looga weydiiyo arimaha amaanka iyo cidda siisay amarka xildhibaanada lagu baaray.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya  ayaa warbaahinta u sheegay in wasiirka amniga iyo taliyaha nabad sugida ay ku dhagan yihiin xildhibaanada baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka lagu wargeliyay iney diyaar sadaan su’aalaha ay doonayaan iney weydiiyaan wasiirka amniga iyo taliyayaasha ciidamada nabad sugida iyo taliyaha booliska Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News