25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Axmed Madobe oo dareen ka muujiyay fashilka shirkii Garoowe, sheegayna in C/Weli Gaas uu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in xiliga lagu jiro aysan Somalia xamili karin Siyaasad mindi midi ku taag ah waxa uuna dhaliil ka muujiyay qaabka ay Puntland ula dhaqantay Wafdiga Beesha Caalamka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in muddo farabadan ay qaadatay wada hadalkii u dhexeeyay Dowlada iyo maamulada dalka islamarkaana lagu heshiin waayay goortii la helay heshiis dhex dhexaad ah ay maamulada qaar is hortaag ku sameeyen.

Waxa uu sheegay inaan la heli doonin Siyaasad dhaanta tan Beesha Caalamka, waxa uuna tilmaamay in Dowladu ay damacsaneyn inay qaado talaabo ka daran tan iminka ay ku ansixisay qaadashada 4.5, balse Beesha Caalamku ay faragalin ku sameysay loona baahnaa in sideeda lagu adeeco bacdamaa ay Soomaalidu heshiin la’ dahay.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Jubbaland aysan raali ka aheyn in Somalia lagu sii maamulo 4.5, balse ay ka qajilayaan is qabqabsi iyo Khilaaf hor leh in wakhtigaani uu dhaco, sidaa aawgeedna ay Magaalada Muqdisho kala soo tageen go’aan ah inay qaaten nidaamkaasi inta laga gaarayo isbedel Siyaasadeed.

Waxa uu sidoo kale, dhaliilay go’aanka ay Puntland ku diiday 4.5, isaga oo sheegay in dhowr sane dulqaad ay muujin jirtay Puntland iminkana looo baahan yahay inay muujiso dulqaad inta laga gaarayo nidaan ka duwan kan Somalia hadda ka shaqeeya.

”Run ahaantii aad ayay Jubbaland uga xun tahay in shirar qaatay Seddex maalin ay Puntland ku diiday inay qaadato 4.5, waayo waxa kulamada la qaadanaaya waa Beesha Caalamka maaha in sida Dowladu loola dhaqmo”

Geesta kale, Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in mar waliba aan laga gudbin xushmada iyo kala danbeynta waxa uuna ku taliyay in la muujiyo tanaasul islamarkaana Dowladu ay la imaado u tanaasulida maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News