Video: Tuuryare oo ruwaayad ka dhiga garoonka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa ka dhabeeyay fulinta dalabkii dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Dalabkaasi ayaa ahaa in xildhibaanada iyo madaxda Soomaaliyeed u hogaansamaan amarada lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Taliye Tuuryare, ayaa xili uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho wuxuu ogolaaday amarada dhanka amaanka ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana lagu sameeyay baaritaan.

Muuqaalada laga suu duubay taliyaha nabad sugida ayaa muujinaya isaga oo siibaya kabaha uu watay iyo suunkiisa si loo marsiiyo qeybta baaritaanada agabka shaqsiga uu ato.

Taliyaha nabad sugida qaranka ayaa markii uu baaritaanka dhameeyay kadib waxaa uu shaqaalaha garoonka kula dardaarmay ineysan marnaba ogalaan shaqsi inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha iyada oo aan la baarin.

https://www.youtube.com/watch?v=ON-yfsof5rA