Daawo: Xildhibaan shaaciyay halista ay Uganda, Ethiopia iyo Kenya la damacsan yihiin SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Macalin Dawaare, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyaay hagardaamada Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan dalalka deriska la ah dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo ka qeyb galayay barnaamij DHAB KA HADAL Ah ayaa si cad u sheegay in koofur dalka Soomaaliya ay ka dagi la’dahay dowlada Ethiopia oo deris la ah dowlada Soomaaliya ciidamanna ka joogaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Uganda ayuu sheegay iney qeyb ka tahay dalalka dhibaatada daran ku hayo shacabka Soomaaliya, wuxuuna tusaalo usoo qaatay dhibaatadii ay ka geysteen dalka Sudan xiligii dagaalada daran ay ka jireen.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa shaaciyay arimo shacabka Kenya ka qarsoon, wuxuuna sheegay in dowlada Ethiopia ay xiriirka u wanaajin doonto dowlada Kenya inta ay ka gaareyso danta ay ka leedahay dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale xildhibaan Faarax Macalin ayaa shaaciyay in maamul goboleedkada ka dhisan dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo ku jiro Caloosha dalka Ethiopia oo u kala jeediyay iney iyaga u shaqeynayaan.

Hoos ka daawo wareysiga.