25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

AXMED MADOOBE OO LA HADLAY DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay dar-dar galiso nidaamka fedaraalka ee la rabo in dalka laga dhaqangaliyo.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in looga baahan yahay in ay dalka gaarsiiso nidaamka fedaraalka ka hor 2016-ka xilligaas oo lagu wado in ay dalka ka dhacaan doorasho xor ah.

“Dowladda waxaa looga baahan yahay in ay ka dhabeyso howlaha horyaalla oo ah in dalka ka dhaqangaliso nidaamka fedaraalka ka hor 2016-ka qorsha la rabo in la gaaro” ayuu yiri Axmed Madoobe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya iyadoo uu muran ballaaran ka dhashay nidaamka fedaraalka ee dowladdu rabto in ay dalka ka hirgaliso.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda culeys kale uu ku noqday heshiis ay dhawaan dhex dhigtay maamulada koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News