Axmed Madoobe oo diiday kulan ay ka dalbadeen saraakiisha Itoobiya ee Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, ayaa ka hor yimid dalab uga yimid Taliska Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, sida ay Caasimada Online u sheegayn dad ku sugan Madaxtooyada Kismaayo.

Dalabka Saraakiisha Itoobiya ee ah kulanka ay la qaadanayaan Madaxweynaha Jubbaland ayaa ahaa maalintii shalay waxa ayna fariinta Madaxweynaha soo gaartay habeen hore.

Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka cudur daartay in uu la kulmo Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxa uuna u sheegay in wax kasta ay doonayaan ay kala hadlaan Saraakiisha Jubbaland ee ku sugan Kismaayo iyo wasiirada ay quseyso.

Kulankaan ayaa lagu waday in uu ka dhaca Taliska Ciidamada Itoobiya ee Kismaayo waxaana wali la ogeyn sababta uu Axmed Madoobe uga baaqday kulankaas dhaxmari lahaa Saraakiisha Itoobiya iyo Axmed Madoobe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maanta Saraakiisha Itoobiya ee kusagan Kismaayo isugu yeereen dhamaan Taliyaasha Ciidamada amaanka ee Jubbaland waxa uuna kulankaasi ka dhacay Xarunta Taliska Itoobiya ee Kismaayo.

Wali lama oga waxyaabaha ay kawada hadleen dhinacyada waxaana soo baxaya in ay jiraan warar sheegaya in Saraakiishaan laga dabaday in amaanka Kismaayo loo madaxbaneeyo Itoobiya inta ay doorashada ka dhamaaneyso.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in kulankaasi uu uga baaqday cabsi uu ka qabo in Ciidamada Itoobiya ay xiraan sidii ku dhacday Musharaxii Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com