Axmed Madoobe oo ka dagay Afmadow + Sawirro

Afmadow (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Axmed Madoobe ayaa Afmadow u tegay arrimo la xiriira fatahaadaha iyo daadadka xoogan ee ku dhuftay gudaha degmadaas oo kamid ah meelaha ay ka jirto xaaladda adag.

Madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiinta kale ee la socota ayaa u kuur-geli doono saamaynta dhibaatada ka jirta deegaanka, gaar ahaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay saamaysay daadadka iyo fatahaadaha ka jira guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu booqan doonaa goobaha ay ku sugan yihiin qoysaska barakacay, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladdooda, si gurmad bani’aadanimo loo gaarsiiyo.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana safarkan qayb ka ah saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland, Xoogga dalka iyo kuwa Kenya ee ku sugan halkaasi.

Jubbaland ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado ku dhuftay saddex gobol ee maamullkaasi, kuwaas oo kala aha Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Todobaadkii lasoo dhaafay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ayaa dadaallo ku bixinayay samamta bixinta dadka ay sameeyeen fatahaadaha iyo kuwa soo barakacay oo la gaarsiiyay gurmad hordhac ah, si loogu soo dhaweeyay deegaanada u dhow Kismaayo.

Dadaalladaas ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan Kismaayo oo u tehay arrimaha bani’aadanimo ee ka taagan maamulka Jubbaland.