London (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay isku xirnaanshiyaha ay Madaxda qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada la tageen Shirka London.
Hogaamiye Axmed Madoobe waxa uu sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in adduunka la tuso isku xirnaanshiyaha ka dhexeeya Madaxda Soomaalida, waxa uuna tilmaamay in wixii intaa ka danbeeya ay imaaneyso xal u helida dhibaatooyinka heysta Soomaalida.
Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in iskaashi iyo wada shaqeyn laga dhex dareemo Madaxda Soomaalida waxa uuna shaki galiyay in Somalia ay garab heli karto iyadoo farqaha ay is heystaan Madaxda.
”Shirka London waxa uu ka duwanaa kuwii hore waayo waxaan la tagnay hal mowqif, waxa ay taa soo dadajisay in beesha caalamka ay ku dhiirato in Somalia ay u sameyso ballanqaadyo ka duwan kuwii hore”
”Ballanqaadyada aan ka helnay beesha caalamka horay uma heli jirin Somalia waxaan oran karaa waxaa ugu wcan isku xirnaanshiyaha Madaxda, waxaan ku baaqayaa in laga gudbo is ficilka Siyaasadeed”
”Waxaa naga danbeeya malaayiin shacab oo na fiirsanaaya waxaa loo baahan yahay in mar waliba madaxdu ay noqdaan saaxiibo dhow si ay kalsooni uga helaan shacabka ay dhibta ugu badan soo gaarto”
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Somalia ay sharaf weyn u tahay inay ka shaqeeyan wixii dan guud ah, waxa uuna si gaara Mdaxda dalka ugu baaqay inay la imaadan midnimo iyo kalsooni lamid ah tan lagu tagay shirka London.
Geesta kale, Axmed Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyan Madaxdooda waxa uuna carab dhabay in Somalia ay la hor mari la’ dahay wada shaqeyn la’an ka dhex jirta Madaxda iyo shacabka.
Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET