Sidee laga yeelaa darawalka Gaafow ee qirtay dilka agaasimahii maxkamada sare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo sheegay inay gacanta kusoo dhigeen askarigii dilay agaasimihii maxkamada sare ee dalka ayaa ka hadlay sida laga yeelayo.

Faarax Nuur Xeyle, oo ah darawalka Generaal Gaafow ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska Soomaaliyeed, waxaana la dhigay xabsi ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaasim Axmed Rooble, afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Faarax Nuur sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono maxkamada ciidamada qalabka sida si cadaalada loo waafajiyo.

Wuxuu sheegay inaanay dhici doonin in si fudud ciidamada booliska ay kusii daayaan ruuxa falka dilka geystay, waxaana dhawaan lasoo taagaya maxkamad, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada booliska.

Mursal Cismaan agaasimihii maxkamada sare ee dalka ayaa la dilay sagaalkii bishaan, waxaana Faarax marka uu dilka geystay kadib uu isku dayay inuu ka baxsado magaalada Muqdisho.

Faarax Cali, isaga ayaa qirtay inuu ka dambeeyay dilka Agaasimaha maxkamada sare ee dalka oo dhacay horaantii bishaan.

Ciidamada dowladda ayaa waxaa u xiran askari ilaalo u ahaa hanti dhowraha qaranka, kaasi oo toogtay wasiirkii howlaha guud Mr Siraaji, kaasi oo ilaa iyo hadda aan maxkamad lasoo taagin.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET