Rajo intee la eg ayaa laga qabaa inay caalamku fuliyo heshiisyadii shirka London?

London (Caasimadda Online) – Beesha Caalamka ayaa dowladda Soomaaliya la saxixatay heshiisyo ku aadan dhanka amniga, dhaqaalaha, iskaashiga iyo inay Soomaaliya yeelato saaxiibo u gaar ah, waxayna intaas suurta galeen intii uu socday shirkii London loogu qabtay Soomaaliya.

Haddaba, qalbiga Soomaaliya waxaa weli ka guuxayo ballanqaadyadii iyo heshiisyadii hore ee kasoo baxay shirarkii Soomaaliya loogu qabtay London iyo meelo kale, maadaama la fullin waayey dhammaan wixii natiijo ah ee kasoo baxay kuwaas oo soo dhaafi waayey ballan qaad iyo Yabooh afka ah.

Marka la fiiriyo dardarka ay Beesha caalamka kusoo bandhigty shirka London iyo baahida ay dowladda Soomaaliya qabto, waxaa muuqato ififaalo ku aadan inay markaan Soomaaliya wax badan ka faa’idi doonto natiijadii kasoo baxday Shirka London.

Diplomaasiyiinta sida gaarka ah ula socdo xaaladda iyo Siyaaadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay markaan Soomaaliya rajo weyn ka leedahay shirka London oo u muuqdo inuu yahay mid si weyn uga duwan kuwii horey uga dhacay Ingiriiska iyo meelo kale.

Shirkaan ayuu wuxuu midkii hore uga duwan yahay inuu muuqdo dadaal dheer oo ay dowladda ingiriiska wado oo ay ku dooneyso inay Soomaaliya wax u qabato si ay iyadana u hesho dano gaar ah oo ay Soomaaliya ka leedahay, sida inay qaadato mashaariicda ugu badan ee laga fullin doono dalka sida shidaal qodista iyo mashaariic kale.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaan kasoo baxay ayaa la xiriiro dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo inay Soomaaliya yeelato saaxiibo aad ugu dhow oo ka caawiyo sidii ay horumar weyn u gaari laheyd ugana bixi laheyd abaaraha iyo siyaasadda ku dhisan musuq maasuqa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET