Warbixin: Muxuu Axmed Madoobe ka yiri heshiiska isaga iyo Barre Hiiraale?

Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay sida ay ku suuragaleen heshiisyadii lagu soo xareeyay, Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baaleey iyo Barre Hiiraale oo dhamaantood kasoo horjeeday jiritaanka Maamulka KMG ee Jubba, dagaalna looga saaray Magaalada Kismaayo.

Wareysi uu siiyay Axmed Madoobe Tv-ga Universal, ayaa wuxuu sheegay in dadaal iyo waqti badan lagu bixiyay arinta ku aadan dib uheshiisiinta Gobolada Jubbooyinka, isaga oo sheegay in heshiiskii ugu dambeeyay lagu soo xareeyay Barre Hiiraale oo Milateri ahaan kamid ahaa ragii hubeysnaa ee ku haray aaga Kismaayo.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dib uheshiisiinta Jubbooyinka ay ka bilaabatay shirkii Muqdisho lagu qabtay ee ku aadanaa dib uheshiisiinta Jubbooyinka, waxaana halkaasi ku suuragalay in Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey ay qaataan nabadda Jubbooyinka.

“Arinta dib uheshiisiinta ma’ahan mid Barre ka bilaabatay, laakiin Barre wuu ugu dambeeyay, waxaa kasoo wareegatay muddo hal sano ah waqtigii heshiiskii Addis Ababa aan saxiixnay, dhowr nin oo sheegtay Madaxtinimada Gobolada Jubbooyinka ayaa Shirarkii Muqdisho dib uheshiisiinta nabad ku qaatay oo uu kamid yahay Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey, Barre Hiiraale wuxuu kamid ahaa ninkii ugu dambeeyay ee Milateri ahaan joogay duleedka Kismaayo isna dib uheshiisiin iyo wadahadal dheer kadib ayaa lagu soo xareeyay”Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sheekh Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale sheegay in hada uu socdo dhameystirka xubnaha Maamulka KMG ee Jubba, sidoo kalena waxaa taasi bar-bar socota shirka dib uheshiisiinta Gobolada Jubbooyinka qeybtii kale ee Kismaayo lagu qaban lahaa.

Wuxuu intaasi ku daray in meesha aysan ka maqneyn xureynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo si gacanta maamulka loo soo geliyo oo shacabka dhibaatada looga qaado.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com