Galmudug oo ku daba feeshay go’aan kasoo baxay Maamulka PUNTLAND !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa daboolka ka qaaday inay qaadaceen warkii kasoo yeeray Dowlada Federaalka Somalia ee ahaa inaan Gobolada Dalka laga qodi Karin Shidaal aysan amrin Dowlada Federaalka Somalia.

Wasiirka Batroolka & Macdanta ee Galmudug Xareed Cali Xareed oo shir Jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo, ayaa waxa uu sheegay in hadalka kasoo baxay DF ay kasoo horjeesteen, waxa uuna Tilmaamay in Galmudug ay leedahay Ciidamo iyo Maamul ay u madax-banaan tahay.

Waxa uu sheegay in Maamulkiisa uusan cidna kala tashanaynin ka faa’daysiga Kheyraadka ku jira Deegaanadooda, waxa uuna DF uga cudur daaray hadalkaasi, wuxuuna Tilmaamay inaysan gaarin Dowlada xiligii ay Arrimaha Gobolka maamuleysay

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Galmudug waa maamul aan xiligaani DF waxba uga baahneyn, waxan leenahay awood aan kula heshiin karno shirkadaha shisheeye ee ku howlan qodista shidaalka waana mashaariic Shacabka u ka faa’iideysanaayo sidaa darteed Hadalka DF kama soconaayo Deegaanada uu maamulka ka arimiyo” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu qaadayo Tallaabo kasta oo uu u arko inay faa’ido ugu jirto Shacabka, oo aysan dhici doonin inay u hogaansamaan Go’aanada Dowladda Dhexe ee loogu diidayo Shirkadaha inay Shidaal ka baaran Gobolkaasi.

Haddalka Maamulka Galmudug, ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmo ka hor ay sidaa oo kale Haddal kasoo baxay DF u qaadacday Maamulka Puntland kaasi oo ahaa inaan la qodi karin Shidaal aan laga amarqaadan Dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com