Axmed Madoobe oo ka hadlay tuhunka ay DF ka qabto shirka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa mar kale ka hadlay shirka la filaayo in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka Kismaayo uusan dhibaato gaarsiin doonin dowlada Federaalka ah ee Somalia, balse uu yahay mid natiijada kasoo baxda maslaxad u ah dalka iyo dadka.

Waxa uu Madoobe sheegay inay kala qaadi doonaan dhaliilaha ay Hogaamiyayaasha u qabaan dowlada iyo maslaxada dalka, waxa uuna cadeeyay inaan laga raali noqon doonin in la caqabadeeyo danaha dalka.

”Wax dhibaato ah kama imaan doona shirka Kismaayo waxa uu ujeedkeenu yahay inaan xal u helno dhibta ka jirta dalkeena”

Waxaa uu sheegay in Shirkaasi uu yahay gogol Nabadeed, isla markaana Natiijadda kasoo bixi doonta in ay noqon doonto mid ay dani ugu jirto dhammaan umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale tilmaamay in Shirkaasi uu yahay mid wanaagsan oo Siyaasadda Soomaaliya lagu jaheyn doono.

Dowlada Federaalka ayaa ka didsan shirka ka furmaaya magaalada Kismaayo, waxa uuna haddalka Axmed Madoobe yahay mid lagu shaki bixinaayo dowlada.

Geesta kale, waxa uu carab dhabay in Jubbaland ay ka dhimaneyso in khilaafyada Soomaalida xalkooda laga raadiyo dowladaha shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com