Axmed Madoobe oo la saftay Gaas xiriirkana u jaraya Xasan Sheikh

Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa si adag kaga hadlay mooshin ay ka gudbiyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku saleysan qaab dhismeedka maamulkaasi.

C/raxmaan Luga dheere madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya haddii aan mooshinka laga laaban.

Wuxuu sheegay in mooshinkaasi uusan noqon doonin mid wanaaga ka shaqeeya ayna xiriirka u jari doonaan dowlada Federaalka Soomaaliya haddii mooshinkaasi ay qaataan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mooshinka uu ka weyn yahay mooshinadii xildhibaanada ay ka keeni jireen ra’iisul wasaarayaasha Soomaaliya kadibna ay ku ridi jireen, sida uu sheegay Lugadheere.

Sidoo kale maamulka Jubba ayaa gabi ahaanba kasoo horjeestay gudiyada kala duwan oo dhawaan dowlada Federaalka Soomaaliya ay dhistay, iyaga oo sheegay inaan la gala tashan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com