XOG Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Diini oo tagaya Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan wasaarada Gaashandhiga DF Somalia, ayaa sheegaya in Wasiir Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini uu saakay ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo.

Socdaalka wafdiga wasiirka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo qorshaha isku dhafka ciidamada DF Somalia ee ku kala sugan gudaha iyo Gobolada dalka.

Wasiirka iyo wafdigiisa iyo Maamula KMG Jubba ayaa ka wada hadli doona qaabka ugu haboon ee ciidanka la isugu dhafi karo iyo farsamada loo marayo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa waxa uu Hogaamiyaha Maamulkaasi hordhigi doona tirada ciidan ee Maamulkaasi looga baahan yahay iyo qaabka ay u howlgali doonaan goorta ay soo dhameystaan tababarkaasi.

Ciidamada la mideyn doono ayaa waxaa laga kala keeni doonaa dhamaan Maamulada Gobolada dalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn heerka ay tiro ahaan gaarayaan.

Dhanka kale, Socdaalka Wasiirka ayaa qaadan doono muddo laba maalin ah waxaana lagu wadaa in wakhtigiisa kooban uu kasoo faa’iideysto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com