“CCC Shaqaalahiisa & Ciidankiisa waa inuu ceshadaa” sidaasi waxa yiri…

Beledweyne (Caasimada Online)Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u weeraray wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya.

C/laahi Goodax Barre ayaa u jawaabay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo dhaliilsanaa shirka ka socda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka ayaa sheegay iney is garanayaan xildhibaanada baarlamaaka Soomaaliya ee mucaaraday shirka magaalada Beledweyne, wuxuu sheegay in shirkaasi ay dhigtay hal beel laguna casuumay dhamaan beelaha daga gobolkaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in arin laga xumaado ay tahay in wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay dhaliilaan shirka tashiga ee magaalada Beledweyne ka socda.

Goodax ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay si cad uga beertay shuruucdii dhigeysay dardar galinta howlaha Federaaliisimka, waxa uuna tilmaamay inay iska indha tirayaan howlihii waajibka ku ahaa.

Waxa uu sheegay in Xukuumada Somalia ay wado qaldan ku wajaheyso taabagalinta Federaalka Somalia, wuxuuna dhaliishaasi si gaar ah ugu soo jeediyay Ra’isul wasaaraha Somalia.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Xukuumadda oo ah Golihii Fulinta ay indhaha ka dedatay habsami u socodkii Federal-ka, waxayna u xuub siibatay ayuu yiri in ay ku Mashquulaan Howlo ka yar kuwa looga fadhiyo.

”Xiligii aan ahaa wasiirka waxaan kasoo horjeeday dhaliisha, balse hada ayay iisoo ifbaxday in Xukuumadu ay tahay mid gabi ahaan shaqo gab ah oo ka jiifatay howlihii kaga aadanaa dalka”

Wuxuu sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ugu baaqay inuu si dhow ula xisaabtamaa wasiiradaasi uu ka celiyaa ka hadlida arimaha aan loogu talo galin, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com