XOG Tirada ciidamada DF ay qarameyneyso oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay in dalka Somalia uu yeelan doono Ciidamo isku dhaf ah oo laga kala keenaayo Gobolada dalka ayaa waxaa hadana soo baxey xogo dheeraad ah oo qorshahaasi khuseeya.

Ciidankan oo aan tiradooda guud si rasmi ah loo shaacinin ayaa waxaa loo qeybiyay dhamaan Maamul Goboleedyada dalka iyadoona Gobol waliba uu iminka diyaariyay tirada uga qeybqaadan doonto Tababarka.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in tirada guud ee ciidanka Qaranka Soomaaliyeed laga dhigay 20,000 inkastoo aysan weli DF Somalia si rasmi ah u shaacin, balse laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia iyo Wasaarada Gaashandhiga Somalia.

Maamulka Jubba ayaa waxaa lagu xakumay inay la imaado Ciidamo dhan 2800 oo kamid noqonaayo Ciidamada la qarameynaayo, waxa ayna si buuxda Ciidamadaasi oo laga dhameystiri doono dhanwaliba ilaalo gaar ah ka qaban doonaan Xadka kala beyra Somalia iyo Kenya.

Gudiga isku dhafka ciidamada iyo Wasaarada gaashaan dhiga ayaa loo igmaday inay isku dhafaan ciidamada ku kala sugan Maamul goboleedyada iyo gobolada kale si loo helo ciidan leh astaan qaran oo qaadan kara magaca ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com