Shariif Xasan oo digniin loo jeediyay & Xildhibaano ku shiray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa wado qorshe lagu soo dhisayo baarlamaanka uu yeelanayo maamulkaasi.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin u diray madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed oo ku wajahan dhismaha baarlamaanka uu yeelanayo maamulkaasi.

Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulka koofur Galbeed inuu la tashiyo badan la sameeyaa dadka kasoo jeedo deegaanada uu maamulkiisa ka arimiyo.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen inuu kulamo la qaataa xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada koofur galbeed si ay talooyin badan kaga siiyaan dhismaha baarlamaanka koofur galbeed.

Madaxweynaha koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay kulamo la tashiyo ah ka sameynayay Shabeelaha Hoose iyo Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com