”Waa qalad in Xasan Sheekh uu la dabaal dago dhalinyaro uu shaqo la’aan dhigay”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdullahi Maxamed oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa sheegay inuu khalad u arko in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka qeybgalo Munaasabada 15-ka May.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu si cad u dayacay kaalinta ay Dhalinyarada Soomaaliyeed ku lahaayen Dowladnimada, waxa uuna Carabka ku dhuftay in Xassan Sheekh uu shaqo la’aan dhigay dhalintii Soomaaliyeed.

”Nasiib darro ayaan u arkaa in Xasan Sheekh uu la damaashaado dhalinyarada Muqdisho, waayo kumanaan dhalinyaro aqoon leh ayaa shaqo la’aan ku nool Muqdisho oo kaliya, qaarna waxa ay ku dhamaanayaan badaha uma arko inay sharaf u tahay inuu maalintaasi u gaarka ah dhalinta la damaashaado”

”Waxaa hubaal ah in dhalinyaradu aysan aheyn kuwo faraxsan waayo waxaa lagu kala soocay reer reer, Dowladu waxa ay shaqo galisay dhalinyaro aan waxba baran, waxa ayna ka tagtay kuwii aqoonta lahaa dhab ahaantii waa arrin nasib darro ah”
Waxa uu sheegay in DF Somalia looga baahan yahay in marka hore ay dhisto mooraalka Dhalinyarada kadibna ay la wadaagto maalmaha farxada.

Geesta kale, waxa uu ku taliyay in DF Somalia ay dhalinyarada ku qiimeyso aqoontooda, halkii ay ku qiimeyn laheyd qabiilka ama reerka uu yahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com