AXMED MADOOBE oo laba arrin kala hadlay guddoonka golaha shacabka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay arrimo la xiriira shaqada guddoonka Baarlamaanka.

Midda koowaad waxay aheyd salaan iyo booqasho oo uu Axmed Madoobe ugu tegay guddoomiyaha cusub, isaga oo la wadaagay sida shacabka reer Jubaland iyo bulshadba ay u taageereen doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey go’aanka uu ka gaaray xildhibaanada Gedo, gaar ahaan meel marinta xubnihii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Dhankiisa guddoomiyaha ayaa booqashadan u mahad-naqay madaxweynaha, waxayna isla meel dhigeen in laga shaqeeyo horumarka dalka iyo danaha guud ee dadka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qayb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho oo laga dareemayo u diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha, taas oo loolan adag loo geli doono.

Si kastaba, 15-ka bishaan May ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ka dhaceyso Teendhada Afisyoloone, waxaana haatan socda diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ee tartamaya.