Sawirro: Axmed Madoobe oo laba qodob kala hadlay UK

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Kusmaayo ku qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis, kaas oo booqday halkaasi.

Axmed Madoobe iyo Mike Nithavrianakis ayaa ka wada-hadaly labada qodob oo uu mid kamid ah yahay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo qorshaha horumarinta deegaanadaas.

UK ayaa ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonto taageeridda wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo xoogiisa uu ka dhici doono deegaanada Jubbaland, siiba Jubbooyinka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xasilin lahaa deegaanada la xoreeyay dadka ku noola ay u heli lahayeen kaalmo deg deg ah.

Kulanka waxaa kale oo lagu soo qaaday qorshayaasha hormarinta kala duwan gaar ahaan tageerada dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Caafimaadka Eng ismaciil Axmed Garas iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Khaliif Yuusuf Maxamed.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli Jubbaland iyo dowladda federaalka ay haatan u diyaar garoobayaan dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, si looga  saaro maamulkaas.

Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo hoggaamintiisu madaxwweynaha u joogo caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Si kastaba, UK ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale tababar iyo qalab siisaa ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.