Horjoogayaal Shabaab ah oo lagu dilay gobolka Baay

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorshesan oo gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday xubno iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Buur-Eyle oo hoostaga Buurhakaba, sida uu shaaciyay wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Hassan Abduqaadir Mohamed.

Wasiirka ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kale lagu dhaawacay 4 kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu boggaadiyay ciidamada Koonfur Galbeed uu fuliyay howlgalkan, isaga oo shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan.

“Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Darawiishta Koonfur Galbeed ee howlgalka ka sameyey deeganka Buur-Eyle oo hoostaga degmada Buur-Hakaba iyadoona howlgalkaas lagu dilay 2-Horjooge halka 4-kalena lagu dhaawacay” ayuu yiri Wasiir Xassan Abduqaadir Mohamed.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraana gobollada Baay iyo Bakool oo ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxdu.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Deegaanka howlgalka laga sameeyay oo u dhow degmada Buurhakaba ayaa weli waxaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Howlgalkan ayaa kusoo aaday, maalmo kadib farriintii madaxweyne Laftagareen oo todobaadkii Buurhakaba uga dhawaaqay inay bilaabayaan howlgallo la’isugu furayo magaalooyinka go’doonsan ee maamulkaas, gaar ahaab gobollada Baay iyo Bakool.

Si kastaba, guud ahaan waxaa dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisa labaad, waxaana horkacaya dowladda dhexe.