Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug iyo kuwa DF ayaa soo qabtay gaadiidkii ay wateen koox maleeshiyaad ah oo habeen ka hor shan carruur ah ku dilay aagga deegaanka Kaxandhaale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.
Seddax gaari oo nooca dagaalka ah ayaa galabta lagu soo bandhigay Cadaado kuwaas oo la sheegay inay wateen raggii dilka geystay oo weli aan lagu guuleysan in lasoo qabto.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye iyo wasiirka amniga Galmudug Maxamed Gaboobe ayaa warbaahinta u soo bandhigay gaadiidkaan dagaalka ee ragga dilka geystay ay wateen.
Guddoomiye Faarax Diiriye ayaa sheegay reer Cadaado ay ciidanka ku garab siinayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii carruurta laayey oo baxsad ka ah cadaaladda.
“Waxaan howlgalkii socday ku soo qabanay 3-daan gaari, waxaa watay raggi laayey caruurta ardayda ah, waxaan ku daba jirnaa raggi dhibaatada geystay, waxaana rajo weyn ka qabnaa inaan gacanta ku soo dhigno,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Cadaado.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa beesha ay ka dhasheen carruurtii la laayey wuxuu tacsi kadib ka codsaday in aysan qaadin wax tallaabo ah, maadaama ay ku howlan yihiin sidii cadaaladda loo hor geyn lahaa raggi dhibka geystay.
Dhankiisa guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye ayaa warbaahinta u sheegay in raggi dilay carruurta ay waaran soo qabasho ah u jareen, isla markaana lasoo qaba doono dhawaan.
“Howlgal socday 24-saac ka yar ayaan ku soo qabanay gaadiidkii ay wateen raggi dadka laayey, waan ku daba jirnaa ayagiina, dowladda waxaa ka go’aan inay kiiskaan ku xaliso cadaaladda,” ayuu yiri wasiir Gaboobe.