Sawirro: Axmed Madoobe oo sameeyey arrin lama filaan ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameeyey arrin lama filaan ah oo ku aadan qaabka loo qaadanayo shaqaalaha, gaar ahaan agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha.

Axmed Madoobe ayaa qaadista imtixaanaadka agaasimeyaasha cusub ee la qaadanayo ku wareejiyey shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Human Resource Management Consultancy Expertise Services, taas oo soo bandhigtay natiijada imtixaanadka agaasimayaasha guud .

Shirkadda ayaa ku wareejisay natiijada imtixaanaadka madaxweynaha Jubbaland, kadib kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo arrintan lama filaanka ah ka hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in sababta shirkad gaar loo leeyahay ay howshan ugu xil-saareen ay tahay in laga fogaado musuq iyo eex, si loo helo dad tayo leh oo u qalma hoggaaminta wasaaradaha Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay shirkadda qaaday imtixaanka shaqada wanaagsan ee ay qabatay iyadoo ay goob-joog ahayeen madaxda guddiga shaqada iyo shaqaalaha.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in qof walba oo kasoo gudba imtaxaanka uu xaq u leeyahay in lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, taasna ay saldhig u tahay shaqooyinka muhiimka ah ee Jubbaland inay hogaamiyaan dad kasoo bixi kara.

Soomaaliya ayaa marka la’eego dhanka shaqaaleysiinta waxaa ka jira musuq-maasuq xoogan, gaar ahaan hay’adaha dowladda, iyada oo inta badan la sameeyo nin jecleysi.