Axmed Madoobe oo qarka u saaran kacdoon ciidan oo degaanka laga abaabulay

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada online, ayaa Xaqiijinaya in hogaamiyaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu qarka u saaranyahay kacdoon ciidan oo ka dhan ah maamulkiisa.

Kooxdii labaad oo ka tirsan ciidamada gaarka u tababaran ee Jubaland, ayaa sameeyay amar diido bareer ah, amarkaas oo ka soo baxay madaxtooyada magaalada Kismaayo ee maamulks Jubaland.

Ciidamadaan amar diidada sameeyay ayaa lagu amray in ay soo qabtaan ciidan ku dhow 60 askari oo ka gadooday Jubaland, kuwaas oo la wareegay degaano kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dhaxgashay ciidamada Jubaland islamarkaana laga cabsi qabo in maamulkaasi uu wajaho kacdoon ciidan oo taalada looga qaadayo Axmed Madoobe.

Lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono hase yeeshee waxaa taagan walaac laga qabo kacdoon ciidan oo ka bilaawda kismaayo iyo degaanada kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal toos ah iyo mid xeeladeysan ku haysa Axmed Madoobe, si ay uga tuurto awoodda maamulka Jubaland, uguna beddesho qof taageersan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com