Wasaarada maaliyadda oo billowday in mushaarka ay ka jarto shaqaalaha KMG ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay bilaawday qorshe mushaarka looga dhimayo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee dowladda Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa, in wasiirka maaliyadda uu dalbaday in 20% laga jaro shaqaalaha, waxayna arrintaasi ay muran xoogan ka dhax dhalisay golaha wasiirada.

Arintaan ayaa bisha October lagu billaabi doonaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta soomaaliya oo ah kuwa ugu badan ee wasaaradaha dowladda.

Wasiirada warfaafinta soomaaliya, gaar ahaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay in arintaan ay isku khilaafeen islamarkaana aad looga dareemayo gudaha wasaaradda.

Lama oga sababta keentay in mushaarka shaqaalaha aan rayidka aheyn looga jarayo mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Shaqaalaha ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya oo aan ka yareyn 2 kun ayaan qaadan mushaar ku filan, waxaana gunno ahaan loo siiyaa lacag u dhaxeyso, 150$ ilaa 300$ oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com