Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday qodobkii ugu adkaa wada-hadallada ee uu ku dhegay madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la yeeshay xubnaha maamulkiisa ku matala labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe wuxuu xubnahiisa uga warbixiyay heshiiskii ay la galeen dowladda dhexe ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho, isagoo xildhibaanada uga warramay hal qodob oo ay adkaatay in laga fujiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in waxyaabaha heshiiska lagu soo hadal qaaday ay ka mid ahaayeen: in xisbiyo lagu galo doorashada, in laga gudbo nidaamka 4.5 ee lagu dhiso dowladda, in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu si gaar ah u xusay in madaxweynaha uu si aad ah ugu dhegay qodobka doorasho qof iyo cod ah, oo uu aad u daneynayey balse ugu dambeyn uu tanaasulay.

Axmed Madoobe wuxuu xildhibaanadiisa u sheegay in waxyaabaha laga wada dooday ay ahaayeen wax horay u dhaqaajinaya dowladnimada Soomaaliya, balse la fahmo waxa ugu weyn ee tabarta dowladda hadda talisa tahay.

Sidoo kale wuxuu warbixinta uu siinayay xildhibaanada kasoo jeeda Jubbaland ku sheegay iney macquul tahay in bilooyin ay doorashada wakhtigeeda ka dib dhacdo iyadoo ay tahay arrimo farsamo.

“Waxa aan hadda isla meel dhignay dan ayaan moodnay, sababtoo ah waxa laga doodayay ee meesha yaalla waxey aheyd doorashada aan dooneyno ma qaban karnaa xiligaan oo shuruudaha iyo dareenkaas leh, hadii la qaban waayay xassiloonida iyo daganaashaha asal ah ee ma ahan doorasho iyo nuuceeda,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda soo socota iney noqoto mid aan fikirkeeda kaliya ku shaqeyn ee ay noqoto mid la timaada qorshe wada-shaqeyn oo aan ikhtiyaari aheyn.