Axmed Madoobe oo shaaciyey go’aan la xiriira doorashada 2016

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa mar kale ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin mowqifka Jubbaland ee doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia dabayaaqada 2016-ka iyo dardar galinta howlaha la xiriira amniga dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland aysan aqbali doonin in dib loo dhigo doorashada, waxa uuna sheegay in mowqifkooda uu yahay inaan saacad laga dib dhicin xiliga doorashada.

Axmed Madoobe ayaa hadalkaani ka sheegay shirka ka furmay magaalada Kismaayo, waxa uuna sidoo kale sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay ka qeybqaadato talaabo waliba oo lagu xaqiijinaayo amaanka dalka, gaar ahaan Gobolada maamulka khuseeya.

Madoobe waxa uu sheegay in Jubbaland ay u taagan tahay ilaalinta sharciga iyo shacabka, sidaa aawgeedna ay diyaar u yihiin is hortaaga wax waliba oo dhib ku ah shacabka iyo sharciga dalka.

Waxa uu sidoo kale, ballanqaaday in Jubbaland loogu imaan doono wax waliba oo lagu heshiiyo waxa uuna meesha ka saaray inay la imaan doonaan isbedel ka dhan ah wixii lagu heshiiyay.

Axmed Madoobe waxa uu amaanay garashada dowlada Somalia ee ku aadan shirka in shirka amniga qaranka lagu qabto magaalada Kismaayo, waxa uuna taa ku tilmaamay mid dhiirigalineysa dhammaan maamulada.

Dhanka kale, waxa uu Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka ka dalbaday in dowlada Somalia ay qorsho amni ka duwan shirka ka furmay magaalada Kismaayo la imaado, ka hor inta aanu dhicin doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com