Video: Xuseen Shire oo ka hadaly haddii uu guursaday Xaawo Kiin

London (Caasimada Online) – Fanaanka Xuseen Shire Cayaar Jecel ayaa ka hadlay warar maalmahan lagu faafinayey baraha bulshada oo ku saabsan inuu guursaday fanaanadda Xaawo Kiin.

Xuseen Shire ayaa shaaca ka qaaday in muuqaallo lagu faafiyey facebook laga soo gooyey filim dhowaan soo baxaya oo ay asaga iyo Xaawo Kiin ku jilayaan aroos.

Sidaa darteed ayuu sheegay Xuseen Shire inaanay waxba ka jirin inuu guursaday Xaawo Kiin, arrintaasna ay tahay mid si qaldan loof faafiyey.

Hoos ka daawo Xuseen Shire.