Gen. Gabre oo beesha Xawaadle u hanjabay iyo hal arrin oo uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacay kulamo qaatay saacado oo u dhexeeyay wafdiga IGAD oo uu hogaaminaayey Danjire Afey kuwaasi oo Odayaasha Hiiraan kala hadlaayay ka qeybgalka shirka maamulka loogu shisaayo Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wafdiga oo dhameystiraayay wada hadalkii hore oo ay la fureen Odayaasha Hiiraan ayaa waxa ay iminka ku dhiiradeen in amaro adag ay duldhigaan Odayaasha Hiiraan, garabka kasoo horjeeda shirka qabyada ah ee ka socda magaalada Jowhar.

Gen. Gebra oo kamid ahaa wafdiga ayaa lasoo warinayaa in Odayaasha uu ugu goodiyay in waxbadan ay weyn doonaan waa haddii ay dayacaan fursada iminka hortaal, waxaana lasoo sheegayaa in Odayaasha ay doonayaan in lasiiyo ballamo dheeri ah, hayeeshee IGAD ay ka biyo diiday in wakhti intaa kasii badan lasiiyo.

Afey iyo Gebra ayaa Odayaasha usoo bandhigay in marka hore ay qaatan in labada Gobol loo dhiso maamul mideeya kadibna ay dib isaga soo laabtaan waxyaabaha dhaliisha ay kamid tahay.

Afey iyo Gebra oo iyagu ku shaqeynaaya amaro lasoo siiyay ayaa Odayaasha u cadeeyay in Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe aysan ka hari doonin maamulada Federaalka raacsan ee ka dhisan Somalia, sidaa aawgeedna ay u furan tahay inay raacaan maamulka uu dhismihiisa socdo haddii ay ka caga jiidaana uu arrinku noqon doono mid ka duwan kan iminka taagan.

Odayaasha ayaa dhankooda la sheegay inay dalbadeen muddo shan cisho ah si ay usoo tashtaan islamarkaana usoo gaaran go’aan cad oo looga tashankaro.

Xubnaha IGAD ayaa sidoo kale la sheegay in Odayaasha ay ka qabaleen codsiga ah in lasiiyo muddo Shan cisho ah.

Sidoo kale, Afey iyo Gebra ayaa Odayaasha u cadeeyay mowqifka IGAD inuu yahay inaan loo istaagi doonin diidmada ay muujinayaan, balse waxa ay u ballanqaaden in wax waliba dhexda loogu dhufan doono labada Gobolka islamarkaana nidaamkii uu jideeyay Madaxweyne Xassan Sheekh wax laga bedeli doono.

Ma cadda go’aanka cusub oo ay la imaan doonaan Odayaasha balse waxaa lasoo warinayaa in IGAD ay odayaasha uga dhex tagtay xubno iyaga matalla oo odayaasha kala shaqeeya qaadashada go’aan hididiilo leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com