Sawirro: Axmed Madoobe oo DFS ugu deeqay dhul aad u weyn.!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu deeqay dhul aad u weyn oo ay ka dhisato xarun ay ku maareyso kolba wixii baahideeda ah.

Dhulkaani loogu deeqay dowlada Federaalka ayaa waxaa dhagax-dhigay Ra’isul wasaare ku-xigeenka xukuumada Somalia Cumar Carte oo isagu halkaasi ku jooga howlo shaqo.

Xubin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa caasimada online u sheegay in dhulkaasi laga dhigi doono xarun weyn oo dowlada Federaalka ay ku maareyso ciidamadeeda, halka sidoo kale uu jiro warar sheegaya in laga dhisi doono xarun ay fadhiisan doonaan wakiilo ka socon doona Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia.

Maamulka Jubbaland ayaa dhanka siyaasada aad uga firfircoon maamulada kale waxa ayna Jubbaland DFS ku kasbataa xalinta hadba baahida heysa DF.
1

2

3