Soomaali lagu dilay Islii & Eedeyn yaab leh oo lagu oogay (Sawiro)

Nairobi (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada booliska dalka Kenya ay ku dileen magaaladaasi labo ruux oo dhalinyaro Soomaali ah.

Ciidamada booliska ayaa dilay labada ruux ee dhalinyarada ah xalay fiidkii kadib markii ay gudaha u galeen xaafada Islii oo Soomaalida ay ku badan tahay, waxaana toogtay askar booliska kamid ah.

Saraakiisha ciidamada booliska dalka Kenya ayaa ku dacwoonaya in labada ruux ee ay dileen iney ahaayeen dad dhac ka geysan jiray xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Waxay sidoo kale ciidamada booliska ay sheegeen in labada dhalinyaro ee la dilay iney ahaayeen kuwo isku dayay iney dhacaan dad masaajid kasoo baxay, sida booliska ay sheegayaan.

Dilka loo geystay labadan dhalinyarada ah ayaa wuxuu cabsi ku abuuray dadka Somalida ah ee ku nool Xaafada Islii, maadaama ay ka naxeen sida bareerka ah ee Booliska ay u toogteen labadaasi ruux.

15 43

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com