Dhageyso: Maxaa kala qabsaday Fiqi, Hareeri iyo Yuusuf Shimbir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood kulul oo ku saabsan doorashada sanadkan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiyada dalka ka dhisan.

Xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha, xoghayaha xisbiga Daljir iyo gudoomiyaha xisbiga Midnimo Qaran ayaa ka qeyb dooda oo idaacada Goobjoog ay qabatay.

Axmed Macalin Fiqi, oo ah xoghayaha guud ee xisbiga Daljir, xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha Yaxye Cali iyo Yuusuf Cismaan Shimbir ayaa artagtiyo kala duwan ka dhiibtay doorashada sanadkaan.

Waxyaabaha ugu badan ee looga hadlay dooda ayaa aheyd dib u dhaca ku yimid qabsoomida jadwalka doorashada loo diyaariyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com