DFS oo Muqdisho ku jir dishay mas’uul iyo isbitaal loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan milliteriga dowlada Somalia ay jir dil xoogan u geysteen Taliyaha Saldhiga Afar-irdood ee Degmada Xamar-weyne.

Ciidamada jir dilka geystay ayaa kamid ah Ilaalada Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed, waxaana lasoo warinayaa in Taliyaha jugta gaartay lala dhigay Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Saldhigga Afar Irdood ayaa Xiliga la jir dilaayay howlgal ka waday Isgooyska SYL ee Magaalada Muqdisho.

Jir dilka Taliyaha ayaa waxaa loo adeegsaday qoray caaradiisa, waxaana halkaasi laga qaaday isaga oo miir daboolmay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Taliyaha ay isugu tageen ilaa lix askari oo min qoray ku garaacay, waxaana sidoo kale la sheegay in qeyb kamid ah oogada Taliyaha uu dhiig ka socday xiliga Isbitaalka loo qaadaayay.

Goobjoogayaashu waxa ay sidoo kale sheegen in xiliga la jir dilaayay Taliyaha Saldhigga Afar Irdood uu ciidanka la socday Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed, balse nasiib darro ay halkaasi uga dhaqaajiyeen dhaawaca Taliyaha.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay guud ahaan dowlada Federaalka, gaar ahaan Taliska ciidamada Milliteriga dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com