Copenhagen (Caasimada Online) Magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark waxaa ku sugan wafdi uu hogggaaminaayo hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Axmed Madoobe oo xubnaha la socda uu ka mid yahay Prof Gaandhi, oo horey u soo noqday wasiirka gaashandhigga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Copenhagen.
Axmed Madoobe ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha, waxaa halkaas ku sugaayay boqolaal qof oo ah taageerayaasha Jubba iyo jaaliyadda reer Jubbaland iyo Gedo.
Wariyaha qaaradda Yurub ee Shabakadda Caasimada Online,ayaa soo sheegaya in wafdiga Axmed Madoobe ay la hadli doonaan jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Copenhagen.
Axmed Madoobe ayaa jaaliyadda Soomaalida uga warbixi doona dhismaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo heshiiska dowladda uu la gaaray dhawaan.
Axmed Madoobe waa markii ugu horeysay oo uu soo gaaro dalka Denmark, waxaana uu ka mid ahaa madaxdii ka qaybgashay shirkii New Deal ee ka dhacay Brussels.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka London

