25.3 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay daganaayeen ciidanka Kenya

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ay ku leeyihiin gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa lagu ekeeyey xero ay ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingow, waxaana xigay dagaal dhex-maray labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is waydaarsanayeen Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya, waxaana jira khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta lagu dilay ugu yaraan 4 kamid ahaa raggii weerarka soo qaaday, iyada oo la dhaawacay saddex kale oo ay goobta ka qaateen Al-Shabaab.

Sidoo kale, kooxda oo war kasoo saartay dagaalka ayaa sheegtay in khasaare lixaad leh ay gaarsiisay ciidamada Kenya ee dagan saldhigga lagu dagaalamay ee Hoosingow, balse ma shaacin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, iyada oo ciidamada ay bilaabeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Inta badan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxdu.

Gobolladan oo hoosataga Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale ka socda howlgallo ay fuliyaan ciidanka Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga oo duqeymo la beegsada Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News