27.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Sawirro: Somalia iyo Nigeria oo yeelanaya iskaashi milatari

Bookmark
Bookmarked

Share

Kigali (Caasimada Online) –  Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) oo haatan ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa kulan muhiim la yeeshay dhiggiisa dallka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Labada Taliye ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhanka ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha, iyo tababarada ciidamada.

Sidoo kale Sahal iyo Usman Abdulmumin ayaa isku raacay in la sii ballaariyo iskaashiga labada ciidan, maadaama ay labada dal wajahayaan cadow isku mid ah oo argagixiso ah, ayna muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya ayaa horay sidana oo kale kulan miro-dhal ah ula yeeshay dhiggiisa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda, Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi, intii uu ku sugnaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Kulankaas ayaa isna diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan ee dhinacyada tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha dagaalka iyo maamulka howlgalada dhulka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Rwanda taageerada joogtada ah ee tababarada iyo xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashigan uu door muuqda ka qaadan doono xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) ayaa Kigali u tegay u tegay ka qayb-galka shirka taliyeyaasha ciidamada Ddulka ee Afrika, Land Forces Commanders Symposium 2025, kaas oo la isla gartay in la xoojiyo wada-shaqaynta tooska ah ee dalalka iyo xiriirka ciidamada, sidoo kalena la is-weydaarsado khibradaha ku saabsan ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

- Advertisement -

Read more

Local News