Axmed Madoobe oo soo jeediyay fulinta laba arrin oo laga cabsi qabo inuu kabaxo Gaas

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa mar kale ka hadlay natiijada kasoo baxday Shirka Madaxda maamul Goboleedyada ee kusoo xirmay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in marka hore ay Jubbaland ahmiyad u aragto ku dhaqanka qodobada kasoo baxay shirka ee sida wada jirka ah loo saxiixay.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in nasiib darro ay noqon doonto haddii ay dhacdo in la baalmaro qodobada leysku raacay, iyadoo la eegaayo heshiiska dhacay.

Waxa uu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay in la burburiyo heshiiska, xili maamulada lagu dhaliilo inaysan u hogaansaneyn tallooyinka dowlada Dhexe.

”Waxaan rajeynayaa inaan ka bixin ballanta oo aynu noqono kuwa ku dhaqma waxa lagu heshiiyay, waxaa jiray heshiisyo sidaan oo kale horay loo wadagalay oo aan hirgalin”

Waxa uu Madoobe si kaftay ah u sheegay in Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas laga doonaayo inuu adkeeyo qodobada isla markaana uusan ka hor imaan talooyinka dowlada.

Waxa uu Axmed Madoobe ku taliyay inaan laga weecan qodobo ay kamid yihiin:

1-Dhaqan galinta Heshiiska iyo inaan la baalmarin wadatashi dhexmara Hogaamiyayaasha.

2-Inaan laga hor imaan awaamirta Dowlada Dhexe, iyadoo aan laga shuureyn asbaabaha kalifay is fahan’darida jirta.

Axmed Madoobe ayaa si dadban Hogaamiyaha Puntland ugu baaqay inuu ilaaliyo qodobada dhowrka ah ee laga soo saaray shirka Kismaayo.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in go’aan wada jira laga qaadan doono Hogaamiyihii ka baxa Heshiiska lawada galay.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com