DPWorld oo maanta si rasmi ah ula wareegtay Dekadda Boosaaso

Boosaaso (Caasimadda Online) – Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa ka dhacdau munaasibad Dekadda Magaaladaas ay kula wareegeysay Sharikadda Dekadaha ee Dalka Imaaraadka ee loo yaqaan DPWorld.

Munaasibaddan waxaa ka qeybgelay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland .

Sidoo kale dhinaca DPWorld waxaa iyana uga qeybgelay mas’uuliyiin ka tirsan Sharikaddaas oo horay iyada ula wareegtay Dekadda Magaalada Berbera.

DPWorld waxaa ay 30ka Sano ee soo socda maamuli doontaa Dekadda Magaalada Boosaaso,si la mid ah Dekadda Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Heshiiskan DPWorld kula wareegtay dekadda Boosaaso waxaa horay u saxiixay Madaxweynaha Mamaulka Puntland oo mas’uuliyiinta sharikaddan kula kulmay Magaalada Dubai ee Sharikadda fadhigeedu yahay.

Dowladda Imaaraadka ayaa wadda la wareegista Dekadaha Soomaaliya,waxaana hadda qorshaheeda socda Dekadda Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose iyada oo Dekada Kismaayo,Hobyo iyo Markana ay ka midyihiin kuwa ku jira liiska dekada Soomaaliya ee ay DPWorld daneyneyso in ay maamusho.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com