Imaaraadka oo Jahwareer galiyey doorashada Somaliland & Kala shaki ka dhextaagan Musharaxiinta

Hargeysa (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay qas iyo jahwareer ku heyso doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaanada maamulka Somaliland.

Dowlada Imaaraadka oo taageersan Musharax gaara ayaa magaalada Hargeysa iyo deegaanada ku dhow dhow ka bilowday qaab cusub oo ay ugu ololeyneyso musharaxeeda.

Qaabka cusub oo ay Imaaraadka uga qeybqaadaneyso doorashada isla markaana u jahwareerineyso musharaxiinta kale ayaa la sheegay inay tahay qeybinta raashiin iyo lacago aan la shaacin cadadkeeda.

Dadka tabaaleysa ee ku nool magaalada Hargeysa iyo Gobolada kale ayaa la gaarsiiyay raashiin mucaawino ah, waxaana loo mariyay Hay’adaha Bisha Cas oo laga leeyahay dalka Imaaraadka iyo Hay’adda Khadiija oo ka howlgasha Hargeysa.

Hay’adahaani ay dowlada Imaaraadka u xil saartay bixinta raashiinka ayaa dadka tabaaleysan ku tashkiilinaaya inay codka siiyaan Musharaxa ay wadato Imaaraadka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Hay’adaha Bisha Cas iyo Khadiija ay diiwaan galinayaan dadka tabaaleysan isla markaana ay siinayaan lacago yaryar si codkooda ay usiiyaan musharaxa u cad Imaaraadka.

Sidoo kale, musharaxiinta qaar ayaa durba dacwad ka muujiyay talaabooyinka ay wadaan Hay’adaha Bisha Cas iyo Khadiija oo dhamaantooda iska kaashanaaya soo saarida musharaxa ay dooneyso Imaaraadka.

Dhinaca kale, dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dooneysa in mar kale ay dib usoo celisho Hogaamiyaha hadda haya xilka Axmed Siilaanyo oo u suuragaliyay Saldhiga iyo Dekadda Barbara.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com