AXMED MADOOBE oo u safray Garoowe + Ujeedka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow kasoo kicitimay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, isaga oo ku sii jeedo dhinaca magaalada Garoowe.

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo sagootiyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Ujeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriira kulan uu la leeyahay dhiggiisa Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada mas’uul ay ka wada-hadli doonaan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan Golaha Shacabka oo muhiim u ah doorashada soo socota madaxweynaha oo si weyn loogu tartamayo, qeybna ay ka yihiin maamullada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale inta uu joogo Garoowe kulamo kala duwan la qaada doono madaxda kale ee Puntland, isaga oo kala hadli doono iskaashiga labada maamul.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah saaxibo siyaasadeed oo si aad ah isugu dhow isla-markaana xulafanimadooda sii xoojiyey tan iyo markii ay soo bilaabatay dooda doorashada.

Si kastaba, kulanka labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ayaa ah mid xasaasi ah, isla-markaana isha lagu wada hayo, wuxuuna kusoo aaday xilli xasaasi ah oo la bilaabayo doorashada Golaha Shacabka oo ka duwan midii soo idlaatay ee Golaha Aqalka Sare.