Axmed Madoobe oo war kasoo saaray Ra’isulwasaaraha la magacaabay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda.

“Waan Soo dhaweynayaa magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxa aan Alle uga baryayaa in Ra’iisul Wasaaraha Cusub uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay in ay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda” ayuu yiri.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakaana uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsan.

“Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakan uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsna” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Madaxweynaha DG Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xalay ra’isul wasaare u magacaabay Maxamed Rooble kaas oo aan horay loogu arag saaxada ama xaataa saamileyda siyaasadda.

Magacaabista Rooble ayaa waxaa ay timid saacado yar uun kadib war-murtiyeedkii arrimaha doorashada  kaas oo geedi-u-socodka doorashada ay ka heshiiyeen DF, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ra’isul wasaaraha la magacaabay waxaa uu ku dhashay Hobyo, Galmudug 1963-dii, waxaa uu leeyahay dhalasho Swedish ah iyo 5 caruur ah, waxaa uuna wax ku bartay jaamacadaha umadda, Royal Institute of technology iyo  Jaamacadda Bimingham, waxaa Injineer jidadka iyo horumarinta.

Maxamed Rooble waxaa uu horay ula soo shaqeeyey hey’adda shaqaalaha adduunka, waxaa kale oo UNka kala shaqeeyey mashaariic badan oo dalka laga hirgeliyey sida Baydhabo, koonfurta iyo bartamaha, Somaliland iyo meelo, oo lacago badan ay ku bixiyeen UN-ka iyo beesha caalamka.