Axmed Madoobe oo Wasiiro Cusub ku soo daray maamulkiisa Jubba

M/weynaha maamulka Juba Axmed Max’ed Islaam”Axmed Madoobe” ayaa soo dhameestiray xubnaha ka mid noqonaya golaha Wasiirada Maamulkaas oo ay ka harsanaayeen laba Wasiir oo kaliya.

Axmed Madoobe ayaa horay u magacaabay sideed ka tirsan Xubnihiisa Wasiirada balse wareegto ka soo baxda Xafiiskiisa ayaa waxa uu ku magacaabay laba ka mid ah Wasiiradiiharsanaa.

Labada Wasiir uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxa ay kala yihiin wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta oo loo magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed sidoo kale waxaa lamagacaabay wasiirka Warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo Gaadiid  Ibraahim Xassan Cabdi ayaa loo magacaabay.

Xubnahaan Wasiirada Cusub iyo kuwii Horay ayaa isla goobta lagudhaariyay kuwaas oo tiradooda ay gaareysay ilaa iyo 10-xubnood waxaana laga sugayaa in dhawaan la soo magacaabo Wasiir ku xigeenada maamulkaas.

M/weyne ku xigeenka Maamlka Juba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in 20-bishaan January ay sameyn doonaan xaflada lagu caleema saarayo Wasiiradaan isla markaan aloogu dhawaaqi doono Wasiir ku xigeenada.