Axmed Madoobe oo weerar toos ku qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhex taagan Dowlada Somalia iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo hadda ku sugan magaalada Brussels.

Khilaafka Dowlada iyo Maamulka ayaa xoogeystay kadib markii dowlada Somalia ay isku dayday inay la xisaabtanto maamulka, waxaana arrinkaasi marar kala duwan is hortaagay Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo magaalada Brussels kulan khaasa kula qaatay mas’uuliyiin kasoo jeeda deegaanada Jubbaland iyo xubno kale ayaa sheegay in dowlada Somalia ay caqabad ku tahay isbedelada ay ku talaabeyso Jubbaland.

Waxa uu Madoobe sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka hor ay ahaayen kuwo la jaanqaada dowladihii hore, hase yeeshee iminka ay ka dhamaan la’yihiin khilaaf iyo muran dhexmara dowlada iyo maamulka.

Axmed Madoobe, wuxuu tilmaamay in caqabada koowaad ay tahay mid kaga imaaneysa Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna talaabooyinkiisa ku sifeeyay kuwo aysan marnaba aqbali doonin, waa haddii uu la imaan waayo isbedel.

“Anagu dooni meyno inaan ku mashquulno howlaha dowlada side ayay ku keentay inay naga dabaqaado, horay ayaan uga dignay hadana dowlada waan uga digeynaa inay nagu sii fogaato”

Axmed Madoobe, waxa uu cadeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu uga baxay ballamo ay horay u wada galeen waxa uuna carab dhabay inuusan garankarin waxa Jubbaland keliya ku khasbaaya inay dhowrto ballamaha.

“Jubbaland haddii ay ka bixi laheyd balamaha waxaa la oran lahaa wey na khilaafeysa bal haddii Mdaxweynaha uu nooga baxaayo ballamaha maxaan oronaa”

Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uga digay inuu ka weecdo heshiisyada, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Jubbaland ay mudan tahay in laga xishoodo maadaama aysan sabab u aheyn khilaafyada inta badan soo laalaabta.

Haddalka Axmed Madoobe iyo kulamada uu ku qabanaayo magaalada Brussels, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo uu khilaaf hoosaad maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com