Degaanka Harar (Hararghe): Taariikhda Soomaalida iyo Oromada & xasuuqa 2017 ee Hawadaay iyo Balbaleyti

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Gogol-Dhigga Qoraalka

Sanadkii 2017 wuxuu ahaa sanad aan la ilaawi Karin, oo xanuun & wal-wal badan ku abuuray kuna reebay dadka Geeska Afrika & dunida xorta ahbaa, gaar ahaan shucuubta dalka Ethiopia, Musiliinta & Somalida. Waxaa deegaanka Hararghe (gaar ahaan Hawadaay & Balbaleyti) ka dhacay xasuuq & isir-sifeynaan loo aabayeelin loogeystay shacab Somaliyed oo qabiil walba leh, waxa kaliya ee loo xasuuqayna waa “waxaad tihiin Somali”. Laba maalmood gudahood (12.09.2017 & 15.12.2017) waxaa Bariga iyo Galbeedka Harar ama Hararghe  (Hawaday & Balbaleyti) ee Gobolka Oromada lagu qowracay shacab oo ka badan 600 Somali Muslim. muddo bilohood ah waxaa la xasuuqay shacab Somaliyed, boqolaal ayaa la laayay ama la qowracay, halka kumanaan la barakiciyay, hanta & xoolo waxay lahaayeenna la boobay ama gubay. Waxaa xasuuqaa ka dambeeyay ama fuliyay madaxda & ciidamada dowladda Ethiopia & maamulka Oromada ooy hormuud ka yihiin dad sheeganaya magaca Oromo oo waliba Muslim ah. Arinkaa ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia, shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka.

Kadib dhacdooyinkaa foosha xun, waxaan iksu dayay inaan wax ka ogaado taariikhda dadka & dhulka ama deegaanka uu xauuqu ka dhacay ee Deegaanka Harar; (i) dadka kunool dhulkaa, siday ku yimaadeen, qolada joogtay ama loogu yimid dhulkaa, (ii) siduu ahaan jiray xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab ee Oromada & Somalida guud ahaan, gaar ahaan Hararghe, (iii) Xasuuqa & mashaqada dhacday & cidda ka dambeysa & ujeedka ka dambeeyay, (vi) dhibka & qalalaasaha uu u keeni karo nadda aan cago ku taagneyn ee geeska Afrika.

Hadaba, waxaan fursad u helay inaan la sheekeysto dad badan oo Oromo & Somali ah, waxaa kale oon akhriyay qoraalada & dukumiintyada dowlada Ethiopia, gaar ahaan tirakoobka dadweynaha ee 1994, & qoraalo ay sameeyeenashkhaas & hay’ado caalami ah. Dhibaatada ugu weyn ayaa ah ayada ooyna jirin qoraalo ama raad-raac ay sameeyeen aqoon-yahanka Oromada & Somalida. dhammaan tix-raacyadaa ahaa ah kuwo ay qoreen dad aan Somali ahayn (sida ahaan tirakoobka dadweynaha ee 1994 oo ay qoreen shaqaale Xabashi & Oromo ah oo ka socday dowladda dhexe), halka qoraalada qaar ay qoreenha’ado caalami ah & shakhsiyaad Xabashi ah. Dhanka kale markaan ka eegno waxaan helay suugaan aad u badan ooy Somalidii hore ka tagtay, waxaana ugu muhiimsan gabayada oo ahaa xiliyadii hore waxa kaliya ee isku xidhi jiray shucuubta, deegaanka & taariikhda.

Qoraalkani ma aha mid dhamays tiran, wuxuuse noqon karaa mid laga amba qaado oo lagu raadin karo xogta dhabta ama daahsan ee dadka iyo deegaanka Harar (Hararghe) guud ahaan, gaar ahaan aagga Balbaleyti oo ah halka ay mashaqada ugu ka dhacday. Hadaba, waxaan isku mashquuliyay inaan helo taariikhda shacabka Somalida iyo Oromada ee deegaanka Harar (Hararghe), gaar ahaan Balbaleyti, wakhtiga ay yimaadeen ama tageen halkaa, iyo macnaha “magaca Balbaleyti”, waxaan helay ama ururiyay xogo macquul ah, wallow ay iga maqan yihiin waxyaabo badan, waxaana jeclaan lahaa in qofkii haya xog ama macluumaad arinka Harar (Hararghe)  ama Balbaleyti iyo dadka daga ama dagi jiray inay sheer-gareeyso ama qoraal ku sameeyaan, lana wadaagaan bulshada Somaliyed.

Xidhiidhka Soomaalida iyo Oromada

Somalida & Oromadu (gaar ahaan Oromada Harar, Caruuso iyo Boran) waxaa ka dhaxeeya xidhiidh soojireen ah. Labada shacab waxay wadaagaan waxyaabo badan; waxaana ka mid ah deegaanka, dhaqanka iyo hayb-raaca (isirka) & diinta. Taariikhdu waxay qortay in Oromadu (gaar ahaan kuwa Harar iyo Caruuso) tahay kuwii soo dhoweeyay Sayid Maxamad iyo Daraawiish oo ka soo qaxay colaaddii Somalida & Gumaystihii Yurub (Engiriis), halka Somalidu ahayd walina tahay saanad & cudud, iyo halka kaliya ee Oromado muciin u ah ama aadaan mar walba ooy dhibaato la soo daristo.

Dadka Kushitiga (Cushitics) ama dadka ku hadla Afka Kushitik-ga (Cushitic-speaking people) waxay ku nool yihiin wadamada Geeska / Bariga Afrika, sida Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somaliya & Sudan, waxaana ka mid ah dadka Agaw, Alaba, Arbore, Beja, Boni, Burji, Daasanech, Canfar, Gedeo (Darasa), Hadiya, Kambaata, Konso, Libido (Maraqo), Maraago, Oromo (Borana, Guji, Gabra, Ittu (Qotu), Macha, Wellaga, Tulema, etc), Qebena, Qimant, Qwara (Falasha), Raya, Rendile, Sakuya, Saho, Sidamo, Somali, Timbaro (Timbara), Warji & kuwo kaleba. Canfarta, Oromada & Somalida waxay wadaagaan xuduud dhulka, halka Agow ay dagaan dhulka u dhaxeeya Ethiopia & Eritrea. Dad badan ayaa aaminsan in Xadaaradii & Boqortooyadii Aksum (Aksumite civilization & Axum Kingdom)   & Afka Ge’ez-ka ay sameeyeen Xabashidu (Amhara & Tigray), waxaase la ogaaday inay qowmiyada Agow ay xadaarad ka sameeyeen dhulka Buuraleyda Xabashida kahor intayna Xabashidu imaanin dhulkaa.

Magaalada Harar waxa ahayd magaalada ugu caansan Geeska Afrika qarnigii 11aad, waxayna noqotay Caasimadii Muslimiinta Geeska Afrika. Sida laga dareemayo raadadkii culimada Somaliyed, waxaad arkeysaa in badankood sheegtaan inay wax ku barteen deegaanka & magaalada Harar. Hadaba su’asha ayaa ah yaa deegaan ahaan iska leh ama dagi jiray ama ku soo horeeyay  deegaanka & magaalada Harar; Somaali mise Oromo?

  • Taariikhda Soomaalida iyo Oromada Deegaanka Harar?

Xogaha aan helay waxaa kamid ah inay Somalida iyo Oromadu yimaadeen dhulka ama deegaanka Harar oo uu ka mid yahay deegaanka Balbaleyti wakhti hore iyo xilliyo kala duwan. Lama xaqiijin karo qolada ugu hortimid ama ku horeysay deegaankaa, waxaase jira qoraalo cadaynaya inay labaduba yimaadeen xilliyo isku dhow (qarniyadii 14aad – 16aad). Waxaa la sheegaa in marka jabeen Muslimiintu wakhtigii Axamad Guray ay Oromadu soo gashay dhulkii ay Somalidu banaysay ee Harar, iyo in markay jabtay Daraawiish inay Oromada Hararghe iyo Caruuso (Caruuso ama Arsi) soo dhoweeyeen Somalidii.

Xogaha qaar ayaa sheegaya inay Somalidu timid dhulka ama deegaanka Balbaleyti wakhtiyo hore iyo xiliyo kala duwan. Maadama Balbaleyti ay hoos tagto Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta, gaar ahaan Somalida waxaa hubaal ah inay Somalidu joogtay dhulkaa wakhti aan ka yarayn shan-lix qarni. Waxaase jira qayb kamid ah Somalida oo deegaanka Balbaleyti timid wakhtigii Daraawiishta, waxayna isugu jireen dad culima ah oo qolo walba leh, kana fikir duwanaa daraawiish iyo Sayid Maxamad. Dadkaa ama Culimadaa waxaa hormuud u ahaa culimada, waxaana ka mid ahaa Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) oo udhashay Ogaden (Ree Warfaa, Ree Cabdile (Cabdulaahi), Maxamad Zubeer). Arinkan wuxuu ku tusinayaa inay Somalidu dhulkaa ama deegaankaa ugu timid Oromo ama Oromadu dagi jirtay dhulka Harar (Balbaleyti) iyo Caruuso (Carsi ama Arsi).

  • The Joshua Project: waxaase jira xogo ama darasado ay qoreen hay’adaha Ree Galbeedka gaar ahaan kuwa faafiya diinta kiristaanka (The Joshua Project) oo sheegay arinkaa wax ka duwan. Mashruuca Yashuuca (the Joshua Project) oo ah hay’ad raadisa taariikhda shucuubta dunida gaar ahaan kuwa ay ku yarhiin dadka aaminsan diinta kiristaanka wuxuu sheegay in Oromada Hararghe (Ittu, Ania, Ala, Nole, Jarso & Babile) ay qarnigii 16aad  yimaadeen dhanka ama deegaanka Harar, ayagoo noqday beeralay-xoolo dhaqato ayagoo sameeyay wada-nool ayaga iyo Soomaalida.
  • Carra-Weelo: Haweeneyda lagu magacaabo Carra-Weelo (ama Carraweela) waxaa laga sheegaa inay ahayd hogaamiye soo xukuntay dhulka Geeska Afrika gaar ahaan deegaanada Somalida, qaar kamid ah Oromada & Xabashida. Arinkaa wuxuu arinkaa ku tusayaa isdhax-galka labada umadood ee Somalida iyo Oromada & inay Somalidu hogaanka u haysay shucuubta Geeska Afrika ooy ku jiraan Oromadu. Dadka qaar ayaa sheega in Carra-Weelo xukuntay dhulka Somalida ilaa Agow ee xadka Ethiopia & Eritrea. Nasiib darro lama hayo wax sheegaya wakhtiga ay Carra-Weelo xukumi jirtay dhulkaa iyo qabiilka ay ku hayb tahay ama ka dhalatay. Carra-Weelo lama oga inay tahay wax jira ama khuraafaad Somalidu samaysatay. Sheekada Carra-Weelo waa sheeko ku xoog badan taariikh-afeedka Soomaalida, waxaana looga sheekeeyaa siyaabo kala duwan. Dadka qaar waxay ku sheegaan inay ahayd boqorad Soomaaliyeed oo waayo hore ka talin jirtay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Waxay caan ku noqotay ciqaabta Ragga (xaniinyaha ka bixin jirtay) iyo dumarka oo ay xuquuqdooda difaaci jirtay una dagaallami jirtay. Raggu markay ag-maraayaan xabaasheeda waxay ku tuuraan dhagax ay u la jeedaan kohasho iyo neceyb, dumarkuna waxay ku tuuraan laamo qoyan ama ubax ay uga gol leeyihiin bogaadin iyo uriyaaqidda wanaagii ay dumarka taaran jirtay.
  • Axmad-Gurey qarnigii 16aad: Axmad-Gurey wuxuu ahaa hogaamiyihii horseedka u ahaa fidinta diinta Islaamka ee Geeska Afrika, asagoo gaadhay xadka Ethiopia & Sudan. Wakhtigii Imaam Axmad-Gurey Muslimiinta Geeska Afrika waxay ahaayeen dad isku duuban oo isku hadaf ah, sidaa ayayna ku gaadheen guulo lama filaan ah. Jabka Muslimiinta ee wakhtigaa waxaa sabab u ahaa laba arimood; ayagoo dhexdood khilaaf ku yimid iyo Gumeystihii Bortuqiiska oo hub iyo saanad iyo ciidan ku taageeray Boqortooyadii Xabashida. Waxaa la sheegaa in 21 Feb 1543 Imaam Axmad-Gurey lagu dilay dagaalkii Weyna Dhaga (Battle of Wayna Daga) kaas oo ka dhacay Bariga Harada Taana (Lake Tana) ama magaalada Baxar-daar (Bahirdar) ee caasimada Gobolka Axmaarada. Waxaa kale oo la sheegaa in Imaam Axmad-Gurey lagu xabaalay magaalada “Shire” ooy Tigraygu u yaqaanaan “Inda Selassi” oo macnuhu yahay “sadexda ilaah ee ay caabudaan”. Shire waxay ku taalaa cidhifka waqooyi ee Ethiopia ama gobolka Waqooyi-Galbeed ee MaamulkaTigray, waxayna u dhowdahay xadka Ethiopia, Eritrea & Sudan.
  • Saldanadii Ajuuraanka qarniyadii 12aad-18aad: waxaa la sheegaa in Saldanadii Ajuuraanka (Ajuuraan Sultanate) ay ka talin jirtay Geeska Afrika oo lagu sheego inay ahayd  boqortooyadii Somali ugu horreysay ayadoo markii danbee ku fidday dhulka Somaliyed iyo Afrikada Barri, illaa xeebaha Konfur Afrika iyadoo addegsaneysay ciidan, gacansi iyo xidhiidh caalami ahba. Saldanada Ajuuraanka waxay dagaal la gashay sadex quwadood oo damaaci kaga jiray dhulka somalida iyo Afrika kuwaas oo ahaa Boqortooyadii Xabashida, Gumeysigiiy Bortuqiiska iyo duullaankii Gaal Madow (Oromo), weyna ka guuleysatay dhamaan xoogagaa shisheeye eek u soo duulay dhulka Somalida. Harar waxay ka mid ahayd dhulka ay xukunto Saldanada Ajuuraanka, lamase hayo wax cadaynaya in shacabka deegaankaa deganaa ahaayeen Somali ama Oromo ama qowmiyado kale.
  • Raahibki Xabashida (the Abysinian Monk) qarnigii 16aad: Raahibkii Xabashida (the Abysinian Monk) ee Abba Bahrey oo u dhashay Tigray wuxuu ku sheegay buug uu qoray qarnigii 16aad waxyaabahan: “Oromada ayaa duulaan soo qaaday, ayadoo qabsatay deegaanka Koonfur-Bari oo daris la ah Baali (xarunta Gobolka Caruusada ee maanta) ka hor dagaalkii Axmad-Gurey (qarnigii 16aad). Dagaalada Oromada waxay ahaayeen kuwo xadidan, waxayna mar walba ku soo laaban jireen xaruntooda oo u dhoweyd Wabiga Shabeele. Sanadadii 1551-1567 waxay jabiyeen ciidamdii Amiir Nuur Bin Mujaahid oo ahaa Amiirkii Harar”. Hadaba xogta uu qoray Raahib Abba Bahrey wuxuu ku tusayaa imaanshaha Oromada ee deegaanka Harar oo ahaa qarnigii 16aad ama wakhtigii ay Muslimiintu jabeen, wuxuuna ka dhigan yahay Somalida ayaa ku horeysay ama daganeyd dhulka ama deegaanka Harar kahor inatyna Oromo imaanin. Qoraalka Raahibku wuxuu isku xidhayaa duulaanka Gaal-Madow, dagaaladii Garaad Wiil-Waal (Garaad Xirsi Faarax Xirsi) iyo jabkii Saldanadii Ajuuraanka (Ajuuraan Sultanate) iyo ciidamdii Axmad-Gurey. Raahibku waxaa kale oo uu sheegay in dagaalka ama weeraka Oromadu uusan ahayn dhanka Bariga ama Somalida oo kaliye ee ay duulaanno ku qaadeen dhulkii wakhtigaa la odhan jiran Xabashida ama Abysinia (Amhara & Tigray). Qoraalka Raahibka ayaa waafaqsan warbixinta Mashruuca Yashuuca (the Joshua Project) ee sheegay in Oromada Harar (Ittu, Ania, Ala, Nole, Jarso iyo Babile) ay  yimaadeen dhulkaa qarnigii 16aad, kadibna noqday beeralay-xoolo dhaqato ayagoo sameeyay wada-noolaansho ayaga iyo Soomaalida.
  • Garaad Wiil-Waal Qarnigii 16aad: Garaad Wiil-Waal oo ka soo jeeda dhulka Harar gaar ahaan Jig-Jiga wuxuu talinayey xilli lagu qiyaasay qarnigii 16aad wuxuuna xukunkiisu ku koobnaa dhulka Soamlidy. Dagaal khadhaadhayaa ayaa wuxuu ku dhexmaray Somalida iyo Gaal-Madow (Oromo) aagga Jig-Jiga waxaana kala hogaaminayay Garaad Wiil-Waal (Somalida) iyo Gaal-Gureey (Oromada) waxaana dagaalkaa lagu jabiyay Gaal Madow (Oromada). Garaad Wiil-Waal oo markuu jabiyay Gaal Madow (Oromo) iyo Boqorkeedi (Gaal-Gureey) ayuu mariyay gabaygan oo ah maansada kaliya ee laga hayo Garaad Wiil-Waal:
  • Xalay gallin dhaxaadkii, miyaan gogosha soo laabay
  • Gurxanka iyo gooraanka, iyo goohi iga yeedhay
  • Hanqadh geeda laaya ah, miyaa laabta iga guuxay
  • Ogaadeen Galduur iyo, haduu, Webi [Wabi Shabeele] kasoo gaasay
  • Meeshiyo Garlawgubay haduu, Galowgu eedaamay
  • Guntadayeey hadaan khayligii, labada naas geeyay
  • Asaan wayrax nadigii gashay, u’u gucumo aar yeeshay
  • Gaaladii [Oromo] ka goor iyo ka goor, riibi nagu goysay
  • Gurey [Gaal-Gureey] maalintaan dilay, colkeed inuu go’aan sheegtay
  • Golyaay maalintaan idhi darkii, inay gashaan sheegtay
  • Meeshaan ka geylamay, dadkii inuu go’aan sheegtay
  • Garbidaan ku tiirsaday, rag inuu garab maraan sheegay
  • Geeraarshe-dheer iyo dagaal, waran galaan sheegtay
  • Gacaniyo in geed laga hadliyo, gobonimaan sheegtay
  • Hayaankii Harar (Balbaleyti) & Daraawiish

2.1. Soomaalida iyo Harar

Deegaanka Balbaleyti wuxuu hoos tagaa Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta laga soo bilaabo qarnigii 14aad. Muslimiinta Harar waxaa hormuud u ahaa Somalida iyo Canfarta. Maadama Balbaleyti ay hoos imaato Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta gaar ahaan Somalida waxaa hubaal ah inay Somalidu joogtay deegaanka Balbaleyti wakhti aan ka yarayn afar-shan qarni (ama 400-600 sano).

Somalidu waxay timid dhulka ama deegaanka Balbaleyti wakhtiyo kala duwan inkastoo kuwii ugu dambeeyay ay yimaadeen wakhtigii Daraawiish. Wakhtigaa waxaa jiray Culimo badan oo fikirkoodu ka duwanaa firirka Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan. Kadib markay culimadaa dareemeen inayna ku noolaan karin Daraawiish dhul ay joogto ayaa waxay go’aansadeen inay u haajiraan (u guuraan) dhankaa iyo Galbeed gaar ahaan dhulka Oromada waxayna la dageen qabiilada Oromada sida Caruuso, Noola, Oboro iyo Ituu.  Hadaba qabiilada Oromada ee Noola, Oboro iyo Ituu way soo dhoweeyeen culimadaa, halka ay Caruusadu weerar & dhac kala hor tagtay culimadaa ka soo baxsatay Daraawiish.

Wakhtigaa waxaa la sheegaa inuu Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan amar ku bixiyay in la dilo culimada ka soo horjeeday, sidaa ayayna culimo badan iyo reerahoodu kaga soo guureen dhul Soomaali iyo carro Daraawiish. Somalida waxay dhulkaa ay yimaadeen dhulkaa ay yimaadeen ku heleen Amni iyo Amaan, waxayna ka bilaabeen fidinta iyo baritaanka Quraanka iyo diinta Islaamka, ayagoo dhulkaa ka dhigay meel ama hooy ay ku soo hirtaan Xer-Cilmiga (Dhaalib Cilmi) Somali ama Oromo ha ahaadaanee.

Gabaygii Sayid Maxamad ee ahaa “Ba’ a ee yow sheega” ee uu u tiriyay niman Dhulbahante ah la isku yidhaahdo Bah-Ararsame waxaa ku jiray todoc uu kaga hadlay culimada Soomaaliyeed ee u guuray Galbeed. Sayidku isagoo u digaya sheegayana mar haddii uu gacanta u qaado waxa ku dhici doona culimadaa oo uu hormuud u ahaa Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) ayuu tiriyay gabay dheer waxaana ka mid ahaa:

  • Culimada sidii Baaniyaal[1], baladka gaal joogta
  • Baabkii Allaa laga akhriyey, inay beloobeene
  • Inay belalka naartii ku dhici, ba’a ee yow sheega
  • Ninkii balada laguu yeeriyee, bayraq lagu duubay
  • Marna haddaanu bara aaminiyo,  baahi geys noqonin
  • Inaan boqorka loo deynahayn, ba’a ee yow sheega
  • Haddaysan sidii beelo raran, Xarunta soo buuxin
  • Ama aanay Bangaal iyo Hindiya, beled kale u dhoofin
  • Baaruud la fuuliyo intaan, bulay taxaabaayo
  • Barakada Illaahay haddaan, badi u noolaado
  • Inaan baarax nabadeed jireyn, ba’a ee yow sheega

Hadaba waxaa dhacday in dagaal dhex maray Oromo (Caruuso) & Soomaali. Caruusada ayaa weerar ku soo qaadday Somalidii daganayd deegaanka Qarri-Juqood (Qarri-Jiqood) oo ku yaala aagga Nobob ee Gobolka Somalida waxayna halkaa ku laayeen dad badan ayagoon u aabayeelin caruur iyo ciroole, rag iyo dumar, waxaana halkaa lagu dilay Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) oo ahaa hormuudka culimada iyo reeraha ka soo guuray Daraawiish iyo Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan. Soomaalida waxaa la soo darstay xaalad kale oo cakiran iyo inay mar labaad qaxaan goob ay ku helaan amaan iyo amni.

Soomaalidii ayaa ka soo qaxday dagaalkaa, waxayna la dageen oo soo dhoweeyay Oromo Ittu, dhulkii ayay camirteen. waxaa dhulkaa iman jiray Xer-Cilmi (Dhaalib Cilmi), waxayna zakada ka qaadi jireen reeraha ama shacabka halkaa dagan, gaar ahaa shacabka Oromada ee Ittu. Oromo Ittu waxay ahaayeen shacab aad u wanaagsan, oo Islaamnimo, soo dhoweyn & wanaag lagu yaqaanay, wanaad weyna u galay Somalida, maantase waa la iksu diray labadii shacab ee walaalaha ahaa, waana siyaasad ay dowlada Ethiopia ka dambeyso (gardaro garab og).

Xasuuqa Harar (Hawadaay & Balbaleyti) ee 2017!

  • Xidhiidhka Soomaalida iyo Oromadu Harar

Somalida & Oromadu waa dad wadaaga waxyaabo badan, waxayna leeyhiihiin xidhiidh soojireen ah. Labada shacab ee Somalida & Oromadu (Oromada Harar, Caruuso iyo Boran) waxay wadaagaan waxyaabo badan waxaana ka mid ah deegaanka, dhaqanka iyo hayb-raaca (isirka) & diintaba. Oromadu gaar ahaan kuwa Harar iyo Caruuso waxay ahaayeen kuwii soo dhoweeyay Sayid Maxamad iyo Daraawiish oo ka soo qaxay colaadda Somalida iyo Gumaystihii Yurub (Engiriis).

Dhanka kale Somalida ayaa abaal weyn ku leh Oromada; mar walba oo dhibaato ku dhacdo Oromo, ama Oromo aqoon, cilmi & shaqo u baahato, meesha kaliya ee eey aadaan waa Somalida & dhulka Somalida. Oromadu waxay dhahdaa “Qofka Oramada ah (Oromo Muslims) waxbartaa wuxuu noqdaa Somali (Somali ayaa halkaa gaadhsiisay), halka kooda aan Muslim ahayn (Oromo Chrisitians)  uu ka noqdo Xabashi (ileen Axmaaro ayaa wax soo bartayee). Hadaba hadalkaa wuxuu ku tusinayaa qiimaha & wanaaga Oromo u hayso Somalida & xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada qowmiyadood.

Oromada (gaar ahaan Oromada Harar & Caruuso) waa shacab aad u wanaagsan, aaminsan in ayaga & Somalidu yihiin walaalo, waxyaabo bandanna wadaagaan. Oromada Harar & Caruuso waa shacab lagu yaqaanay Islaamnimo & soo dhoweyn & wanaag, ayagoo wanaag weyna u galay Somalida markay halganka kula jirtay Istcicmaarkii Ree Yurub & Xabashida.  Maantase waa la iksu diray labada shacab ee walaalaha ahaa, wanaagu ka dhaxeeyay, waxaana la dhax dhigay colaad siyaasadeed oo ay dowlada Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) ka dambeyso (gardaro garab og).

  • Xasuuqa Harar (Hawadaay & Balbaleyti) ee 2017

Sanadkii 2017 wuxuu ahaa sanad aan la ilaawi Karin. Laba maalmood gudahood (12.09.2017 & 15.12.2017) waxaa Bariga iyo Galbeedka Hararghe (Hawaday & Balbaleyti) ee Gobolka Oromada lagu qowracay shacab ka badan 600 Somali Muslim ah oo ka soo jeeda Kililka 5aad, & wadamada Djibuti & Somaliya. Waxaa xasuuqaa ka dambeeyay ama fuliyay madaxda & ciidamada maamulka Oromada ooy hormuud ka yihiin  dad sheeganaya magaca Oromo oo waliba Muslim ah. Arinkaa ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia, shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka. Dadka lagu xasuuqay Hawaday (12.09.2017) & agagaarkeeda waxay gaadhayaan 100 Qof oo iskugu jiray ganacsatada, wakiilada shikadaha Qaadka & shacab caadi ah, halka dadka lagu xasuuqay Balbaleyti (15.12.2017) ay kor u dhaafayaan 300 Qof, waxaana badankood lagu xasuuqay xarumaha dowladda gaar ahaan saldhigyada ciidanka Booliska ee maamulka Oromada.

Dadka lagu xasuuqay Hawaday (12.09.2017) waxay gaadhayaan 100 Qof oo iskugu jiray ganacsatada & wakiilada shikadaha Qaadka & shacab caadi ah, meesha dadka lagu xasuuqay Balbaleyti (15.12.2017) ay kor u dhaafayaan 300 Qof waxaana badankood lagu xasuuqay xarumaha dowladda gaar ahaan saldhigyada ciidanka Booliska ee Oromada.

Dadka Somalida & Oromadu waxay aaminsan yihiin in madaxda & ciidamada dowladda Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) gaar ahaan maamulka & ciidamada Oromadu ooy hormuud ka yihiin madax sheeganeysa magaca Oromo oo waliba Muslim ah ay fuliyeen xasuuqaa waxshino ayagoo halkaa ku xasuuqay boqolaal shacab Somali ah. Arinkaa  foosha xun ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia & shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka waxaana la waayay wax lagu macneeyo dhacdadaa foosha xun.

Hadaba hadduu dadka Somalida & Oromadu aaminsan yihiin inay dowladda Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) ka dambeysa ooy fulisay xasuuqaa waxaa lagama maar maan ah inay ka wadas shaqeeyaan nabadeynta labada shacab, kahortaga xasuuqa lagu hayo shacabka Somalida, dambiilayaasha in la hor keeno cadaalada, iyo kahortaga dacaayada & magic-bi’inta lagu hayo shacabka Oromada.

Gabo-Gabo & Talo-Bixin

Labada shacab ee Somalida & Oromadu waa dad walaalo ah, waxayna wadaagaan xuduud dheer, waxaana dhici jiray isku dhac qabiilo kamid ah labada shacab iyo qaab lagu xaliyo isku-dhacyadaas ooy sabab u ahaayeen arimaha daaqa & xoolaha. Ma jiraan wax khilaaf ah oo u dhexeeyay Soomaalida & Oromada Hararghe. Mashaqada  ka dhacday Bariga & Galbeeedka Hararghe (Hawadaay & Balbaleyti) ma aha wax horay loo arkay, Somalida & Oromaduna way ogyihiin cidda abaabushay ee fulisay xasuuqaa foosha xun.

Shacabka waxaa xasuuqay ciidamada Dawladda Ethiopia, waxaana hormuud ka ahaa Oromo OPDO, ciidamada maamulka Oromo, Oromo Liyu Hial & malayshiyada QEERROO oo ah ciidan dowlad oo adeegsanaya dharka, hantida & gaadiidka dawladda. Waxaa xasuuqa amarka bixiyay madaxda ugu sareysa Ethiopia sida oAfhayeenkii Baarlamaanka (Abadula Gemeda), Madaxweynaha maamulka Oromo (Lemma Megersa), Madaxii OPDO/EPRDF (Abiy Ahmed), Afhayeenka dowladda dhexe (Negeri Lencho) & madaxda Qurbajoogta Oromada, madaxda amaanka & ciidamada dowlada dhexe & maamulka Oromada.

Dowladda Federaalka waxay abuurtay jawi & waxyaabo u sahlay maamulka Oromo inuu geysto xasuuq waxshinimo oo aan loo aabo yeelin. Ree Galbeedku & UN-tuna way ka aamuseen xasuuqaa. Xasuuqu wuxuu keenay in Abi Axmad uu ku fadhiisto kursiga ugu sareeya dalka (Raisal Wasaare) waxa kaliya ee lagu doortay ama lagu abaal mariyay ayaana ah xasuuqa uu ku xasuuqay shacabka aan Oromo ahayn eek u dhe nool Oromada, gaar ahaan Somalida oo isu heystay inay Oromo yihiin, marka laga soo tagana rumaysnaa inay walaladooda Muslimka ah ee Oromo wax la qabaan. Nasiib darro waxaa dhacday in loo xasuuqay kabadn 1000 shakhsi shacab Somali ah ayadoon loo aaba yeelin hooyo & aabe, ilmo yar & waayeel, naafo & bukaan & wax xidhiidh la leh dhaqanka suuban, diinta Islaamka & dastuurka dalka ama kuwa caalamiga ah.

Xasuuqii Hawadaay & Balbaleyti waxaa xigay kuwo kale oo ka dhacay Lagahida, Tuli-Guuleed, Ma’eyso, Moyale, Babile, Ceel-Kari & meelo kale. Ujeedka xasuuqa noocaas ah ayaa ah in colaad laga dhax abuuro Somali & Oromo oo ah dad walaala ah, ujeedka xiga ayaana ah in Oromo la xasuuqo ooy waayaan meel eey u cararaan ama muciin & walaalo caawiya. Oromadu hadday kuwii dad ugu xigay (Somalida) sidaa xun u xausuuqen way adag tahay inay taagero helaan waana ujeedka EPRDF Ethiopia.

Dowladda Federaalka waa inay abuurtaa jawi sahlaya geeddi-socodka nabadda & wada noolaanshaha ladan shacab, waana inay joojiso ay danaha garaka ah & gorgortanka siyaasada. Waa in la sameeyo baadhitaan madax banana oo maxkamad la geeyo dembiilayaasha shacabka xasuuqday.

Khilaafka siyaasadeed ma aha in uu abuuro iska horimaad & xasuuq qowmiyad. Maamulada & madaxda labada shacab & maamul waa in ay abuuraan xaalad ama jawi keeni kara dulqaad, caddaalad iyo xushmeyn xuquuqda muwaadiniinta labada shacab.

UN & Ururada Xuquuq Insaanka waa inay sameeyaan baadhitaan madaxbannaan oo dhexdhexaad ah oo lagu sameeyo xasuuqa & xadgudubyada & barakicinta lagu sameeyay dadka shacabka ah ee Hararghe & qaybaha kale ee dalka.

W/Q: Axmad Rooble
roblehzy@gmail.com