AXMED Madoobe oo xabsi u taxaabay saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubba, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay xireen Saraakiil ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo utagay Kismaayo wadahadal ku aadan ciidamadii laga saaray Magaalada Kismaayo sidii Magaalada loogu soo celin lahaa.

Cabdi Wahaab Cismaan Caraale oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ee Kismaayo, ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Dowladda ay ku xiran yihiin Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayuu ku eedeeyay inuu xirtay saraakiishaasi oo Magaalada Kismaayo utagay wadahadalka sidii dib loogu soo celin lahaa ciidamadii dagaalka looga saaray Magaalada Kismaayo.

“Saraakiishaasi anaga ayeey naga tageen Garoonka Kismaayo ayeey ku xiran yihiin waan hubnaa Axmed Madoobe ayaana xirtay”Ayuu yiri Sarkaal Cabdi Wahaab Cismaan Caraale.

Ciidamada Maamulka Jubba ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay magaalada Kismaayo ka geystaan falal tacadi joogto ah Magaaladana ay ku dilaan dadka shacab ah sida uu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay wax ka qabato dhibaatooyinka dadka shacabka ah loogu geysanayo Magaalada Kismaayo oo ay masuul ka yihiin Maamulka Jubba.

Saraakiil uu kamid yahay Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Buule ayaa dhowr mar Warbaahinta ka sheegay inuu ku sugan yahay Garoonka Kismaayo, uuna wadahadal kula jiro Maamulka Jubba, wadahadalkaasi oo ku aadan sidii Kismaayo dib loogu soo celin lahaa ciidamada jooga Goobweyn oo ah duleedka Kismaayo.