DHAGEYSO: TARSAN oo jeediyey hadal cusub oo uu si aad ah ugu weeraray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlayey meel munasabad ah, ayaa ganacsatada Soomaliyeed ku tilmaamay kuwo aan u ogoleyn dadkooda aan waxba heysan inay cawiyaan.

Tarsan ayaa hadalkiisa ku xusay in ganacsatada gaar ahaan kuwa ugu taajirsan ay yihiin kuwo ku adag bixinta caawinaad ay siiyaan dadkooda aan waxba heysan ee ku dhibateysan gudaha dalka, oo ay yihiin baqiilo.

Waxa uu ka dalabaday ganacsatada Soomaaliyeed in isbadal ay sameyaan oo ay usoo jeestaan cawimaad loo fidiyo dadka shacabka ee xiligan ku dhibatoonaya gobollada qaar ee dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in xittaa ay zakada u bixiyaan qaab qabiil ah, balse alle uu arkayo.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Tarsan

codka-tarsan-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com