Ganacsade Ina-Abukar Cumar Cadaan oo xalay lagu dilay magaalada Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Saciid Abuukar Cumar Caddaan oo ah Ganacsade caan ah oo ka dhex shaqeyn jirey magaalladda Nairobi iyo dalka Koonfurta Sudan, uuna dhalay ganacsadaha caanka ah ee Abuukar Cumar Caddaan, ayaa xalay lagu dilay magaalada Nairobi.

Kooxo hubeysan oo watay gaari ayaa waxay isku hor gudbeen gaarigii uu watay Ganacsadaha Soomaaliga, kaasi oo marayey Waddada Mombasa Road ee tagta Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi.

Dableyda hubeysan waxay tacshiirad huwiyeen Ganacsade Saciid Abuukar Cumar Caddaan, oo halkaasi ku geeriyooday, waxayna dableyda gaariga ka qaateen Kombiyuur-gacmeed Laptop iyo Boorso saarnayd gaariga Marxuumka.

Ma kala cadda kooxda dilka geystay inay ahaayeen burcad doonaysay inay dhacaan Ganacsadaha iyo in ujeedo kale ka dambeyso dilkaasi.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi, Cali Bagadi ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey dilka Marxuumkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay, xaalladda magaalladda Nairobi ayaa ahayd mid aad u kacsan, iyadoo ay qaraxyo iyo dilal ka dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com